21
934 days ago
Sayid Maxamed wuxuu ku dacwiyey in maalinta isaga la waayo Soomaalina la waayi doono sidii dameerihiina afar tanag gumaysi ka dhookayn doono.
Dhagarta iyo khayaanada gumaysiga ayuu si guud iyo si gaar ahba uga digay.
Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay. Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla.

0 Comments
Realtime comments disabled