26
939 days ago
MAALINKII LEYGU YIRI DAWLADDA SUCUUDIGAA DACWO KAA AH!!!!
Waxaan jeclahay umaddeyda qaaliga ah in aan la qeybsado dareeno badan iyo xaqiiqooyin aan xog ogaal u ahaa laakin aan helin waqti aan ugu sheego..sidaasi darteed inta aan Face Book ka hadli karo ayaan u soo gudbinayaa Umaddeyda xaqiiqooyin badan oo daaha gadaashiisa ka dhacay….
Bishii Septmeber ee sanaddii 2006-dii xilligaasi oo Muqdisho ay si buuxda u maamulayeen Golihii Maxaakimta Islaamiga ayaa waxan la kulmay arrin la yaab leh, barnaamij Jumcihii ka baxi jiray Idaacaddii Qur’aanka ee Muqdisho ayaan ku soo qaatay warbixin ka hadleysay nidaamka Aala Sucuud ee heysta dhulka Bilaadul Xarameyn ama dawladda Sucuudiga sida dad badan u yaqaanaan..
Warbixinta waxey sheegeysay dabadhilifnimada nidaamkaasi iyo gaalo ka daba rucleyntooda..waxey kaloo warbixintu sheegeysay in Sucuudigu ay iska hortaagayaan dhalinta Muslimiinta in ay Jihaad u aadaan dalka Ciraq ee gaaladu qabsatay!..waxaan magacownay shaqsiyaadka nidaamkaasi ee gaalada u dabadhilifka ah…
Warbixinta markii ay Idaacadda ka baxday ayaa hadane waxaa qaatay Website la oran jiray Qaadisiya oo uu maamuli jiray ninka hadda Murtaddiinta ku jira ee C/raxiim Ciise Caddow, faallo ahaan ayay ugu soo qaateen Diiradda Jumcaha oo shabakaddaasi ka bixin jiray Jumco waliba…
2 maalmood ka dib Dacwo waa tan!! Agaasimihii Idaacadda ayaa la qabsaday..kuwii website-kana, hadda ka saara ayaa lagu yiri..kuwo Maxkamadaha meesha u joogay ayaa soo qeyliyay oo yiri wakiilka Sucuudiga wuxu ka xumaaday website-ka Maxaakimta isago aqbaaraad ka raadinaya in uu ku arkay warbixintaasi qaladka ah…arrinkii waa adkaaday..website-kii Qaadisiya waa laga saaray..tii Idaacaddana waa leysku qabsaday.
Ninkii Agaasimaha ahaa ayaa dood kulul galay..shaqsiyaad Sucuudiga jooga ayaa la sooo xiriiray..ka dib aniga ayaa la ii yeeray..waxaaba la yaab igu noqday in ley yiri dawladda Sucuudiga ayaa dacwo kaa ah…!!!
Warbixintii ayaa ley amray in ay keeno, waxaan keenay qoraalkeeda..Agaasimihii ayaa yiri haddii wax been ah meesha lagu arko inaga ayaa ka masuul ah haddii waxa la sheegayo ay run noqdaana wax kale inoo sheega!! Marki warbixinta la arkay waxa meesha ku qoran waa run..gaalo ayay dabadhilif u yihiin..waa la shaqeeyaan..Argagixiso la dagaalanka ayay qeyb ka yihiin..naagaha gaalada ee soo booqda Sucuudiga way salaamaan..billado ayay gudoonsiiyaan madaxda gaalada..Garta inagaa lahaanay markaas.
Kadib ayaa hadane la keenay Hadda iyo Maxaa xaal ah..? waxaa ay dhaheen markani waa go’aan ay tahay in la dabaqo oo maamulka Idaacaddu gaarayo..waa maxay ayaa la yiri: waxey dhaheen hal arrin oo ku saabsan Sucuudiga laguma soo qaadi karo barnaamijkaasi..wadamada kale ka hadla laakin nidaamka Aala Sucuud yaan laga hadlin..!!
Waa yaabay..oo hadane yaabay…waana iska ogolaanay…Alle maxaa maslaxad shaqsi darteed masaalix Umadeed iyo midda diinta looga tallaabsaday..!! kuwaasi oo kale miyaa masiir Umadeed lagu aamini karaa?
Xaqaa’iq kale oo I saameeyay waa soo gudbin doonaa Insha Allaah

0 Comments
Realtime comments disabled